Somaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Suuqyada Itoobiya Kaluunka Loogu Dhoofinayo Kala Saxeexday
June 20, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta wada galay heshiis kalluunka badda Soomaaliya loogu dhoofinayo suuqyada Itoobiya, iyadoo diyaaradaha qaadka keena Itoobiya ay kaluunka daabbuli doonnaan.
Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Safiirka Itoobiya ayaa Garoonka Aaden Cadde ku kala saxeexday heshiishkan, waxaana isla maanta Dawladda Soomaaliya ay u dhoofisay Itoobiya labaatan kun oo Tan oo Kalluun ah.
Berberatoday.com