Xukumada Somaliland Oo Daahfurtay Buuga Macluumaadka Qaranka(Country Profile)
June 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Buugga Macluumaadka Qaranka ( Country Profile ) oo lagu sugay xogaha kala duwan ee Somaliland.
Buugan oo in muddo ah ay gacanta ku haysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ka kooban 8 tiir oo waawayn kuwaa oo kala ah Dawladnimada, Taariikhda, habnololeedka bulshada, dhaqaalaha, deegaanka iyo maalgashiga.
Waxa mudan in buugu si gaara u saxayo xogo hore u khaldamay oo ay ka mid yihiin tirada dadka, bedka dhulka, bedka Badda iyo Khariiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Berberatoday.com