Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay Inaanay Dib Udhacayn Khaladaadkii Somaliland Gashay 1960-kii
June 26, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aan dib loogu noqonayn midnimo kale oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanu guddoomiyaha Saleebaan sheegay in Somaliland ay kortay islamarkaana wax badan kaligeed qabsatay.
Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu u soo jeediyey inay ka Samraan Somaliland islamarkaana aanay dib u dhacayn Khaladkii ay Somaliland gashay 1960-kii.
Gudoomiye Saleebaan, waxaa uu qaranka Somaliland uga mahadnaqay doorashadii quruxda badnayd ee dalka ka dhacday 31-kii May 2021.