Maamulka Putland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fuliyay 21 Xubnood Oo Katirsanaa Alshabaab Dilal Ay Fuliyeen Lagu Helay
June 27, 2021 - Written by admin
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Puntland ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, kuwaas oo lagu kala toogtay Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho.
Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu toogtay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, kuwaas oo horay Maxkamadda ciidamada Puntland ugu riday xukun dil ah.
Xukmanayaasha la toogtay waxa ku jira, horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.