Golaha Wakiillada Somaliland Ee Cusubi Sharci Ma U Leeyihiin Inay Laalaan Xeerka La Ansixiyey Haddii Madaxwene Muuse Biixi Qalinka Ku Duugo?Garyaqaan Guuleed Dafac Ayaa Ka Jawaabaya
June 28, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa duuduub ku ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka
Golaha waxa fadhiyay 52 Xildhibaan waxa ogolaaday 48 Xildhibaan waxa diiday 2 Xildhibaan waxa ka aamusay 1 xildhibaan guddoomiyuhuna mu codeyn sidaasi ayuu ku ansaxay.
Dhanka kalene Gar-qayaan Guuleed Daafac ayaa fallaqayn ku sameeyey xeerkan furista ururrada ee ay ansixiyeen Golaha Guurtidu,waxaanu sheegay haddii uu Madaxweynuhu saxeexo oo uu dhaqan galio xattaa inay wax-ka baddel iyo kaabis ay ku samayn karaan Golaha Wakiillada ee cusub oo ay awood u leeyihiin.