Somaliland: Kor U Kac Ku Yimid Qiimaha Maciishadda Daruuriga Ah Suuqyada Iyo Walaaca Danyarta
June 28, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maalmihii u dambeeyey, waxa uu kor u kac ballaadhani ku yimid qiimaha maciishada daruuriga ah ee bulshadu quudato, taas oo laga dareemayey guud ahaan-ba suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee Somliland
Maciishaddan kor u kacu ku yimid, ayaa waxa ka mid ah qiimaha badeecooyinka Raashinka oo ay ugu horreeyaan Sonkorta, Bariiska, Baastada, Daqiiqda iyo Saliida Cuntada oo ay cunnooyinka daruuriga ah ee shacabku ku nool yihiin taasi oo cidhiidhi galinaysa nolosha danyarta marka horeba sannadaha badan la soo dhibtoonayay qiim kaca mar walba ku yimaadda maciishadda daruuriga ah.