Al-shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 6 Qof Oo Ay Ruux Haween Ahi Ku Jirtay
June 29, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ururka Al-shabaab, ayaa meel fagaare ah ku toogatay lix qof oo ay haweenay ku jirtay oo lagu eedeeyay in basaasiin u ahaayeen sirdoonka Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kooxda ka soo baxay.

Toogashadan, ayaa ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo u soo daawasho tagay xukunka lagu fulinayay dadkan.