Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Ee Kenya Oo Ballan-qaaday Inay Taageerayaan Somaliland, Ka Dib Safar Ay Ku Yimaaddeen Haregeysa
June 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyeyaasha Dalka Kenya, ayaa muujiyey inay diyaar u yihiin inay si dhow ula shaqeeyaan Somaliland, maaddaama oo labada dal iska kaashanayaan Amniga Mandaqadda Geeska Afrika.

Senator Mohamed Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan laga soo doortay Mandheera oo ah Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay in haddii ay yihiin Madaxda dalka Kenya, ay diyaar u yihiin inay si dhow ula shaqeeyaan Dawladda Somaliland.