Dowladda Maraykanka Oo Ku Baaqday In Si Deg Deg Ah Loo Dhameystiro Hannaanka Doorashada Soomaaliya.
July 1, 2021 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah oo ugu macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken oo Soomaaliya u dirayay hambalyada maalinta xoriyadda ayaa sheegay, in ay muhiim tahay wada shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si loosoo qabto doorashooyin hufan oo nabad ah.