Xukuumada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Duur-joogta Dadku Sida Gaar Ka Ah Uhaystaan
July 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda deegaanka Somaliland, ayaa sheegtay in ay la wareegayso dhamaan xayawaanka duur-joogta ah ee shacabku haysto.
Digreeto kasoo baxday wasaarada deegaanka ayaa lagu sheegay in xeerka duur-joogtu uu sheegayo in wasaaradu masuul ka tahay duur-joogta.
Hindisaha ay xukuumadu duur-joogta shacabku haystan kula wareegayso, ayaa yimid kadib markii libaax ka baxsaday xero xayawaan oo Hargaysa ku taala uu shacab waxyeelo u gaystay.