“Waxba Yaan La Wadwadin Arinta Yuusuf Shaacir, Oo Aan Laga Dhigin In Uu Somaliland Ka Ridoobay, Isaga Ayaa Gunta Soo Taaban Doona e”Cali Guray. “
July 6, 2021 - Written by admin
“Yuusuf Shaacir Waxan u aqaan suugaan dhaadhi ka mid ah Haldoorka jiilkiisa kuwa ugu mudan. Go’aankiisa uu kaga mid noqday guddida ay magacawday Wasaaradda Hidaha Iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka Somalia marka hore waan ku Ixtiraamayaa oo waa go’aan shakhsi. Balse mabda’ ahaan waan ka aragti duwanahay.
