Dad Ku Dhintay God Ku Dumay Duleedka Muqdisho
July 7, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu yaraan afar qof, ayaa dhintay kadib markii uu ku dumay god ay dhagax ka qodanayeen oo loo yaqaano kaawo oo ku taal duleedka Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa sheegay in shilkan uu saaka ka dhacay deegaanka Ceel-huur ee duleedka Degmada Wadajir.