Dadka Iyo Duunyada Dalka Jabuuti Oo Haraad Iyo Biyo Yari Ba’ani Soo Food Saartay
July 7, 2021 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Ayadoo jamhuuriyadda Jabuuti lagu jiro xilligii xagaa baxa oo kulayl daran uu halkaa ka jiro, ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo yari ba’an.
Jabuuti biyaha laga cabo ayaa waxay uga yimaaddaan dhanka itoobiya waxaana hoos u sii dhacayey xaddiga biyaha ay Jabuuti doonaysay inay ka hesho Itoobiya oo ay 100,000 oo metric cubic maalin kasta, haddase aysan hesho wax ka yar 4 meelood meel xaddigaas.