Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Mabnuucday In Ardayda Laga Qaado Lacag Aan Ahayn Ta Bisha
July 8, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa sheegtay inay Mabnuuc tahay in Ardayda Dugsiga Dalka, kuwa Dawladda iyo kuwa Gaarka loo leeyahayba laga qaado Lacago ka baxsan Lacagta bisha.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Shalay kormeeray Dugsiyada Magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa sheegay inay Wasaaraddu bixin doonta Lacagaha laga qaado Ardayga doonaya inuu iskuul kale u beddesho, lacagaha la qaado Rool lambarka iyo Ardayda laga qaado Ardayga marka Shahaadada Dugsiga sare la siinayo.