Dad Itoobiyaan Ah Oo Laga Raafay Gudaha Somaliland, Si Dalkooda Loogu Celiyo
July 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Laanta socdaalka ee Somaliland oo kaashanaya kuwa Booliska, ayaa hawl-gallo ay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa, waxay ku raafeen Dad u dhashay dalka Itoobiya.

Dadka la raafay oo la doonayo in dib loogu celiyo Dalka Itoobiya, ayaa u badnaa Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaasi oo ah kuwa ugu badan ee ku sugan gudaha Somaliland xilligan.