“Dadka Reer Afghanistan Go’aan Ha Ka Gaadhaan Mustaqbalka Dalkooda”Madaxweyne Joe Biden
July 10, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada milateriga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana aanu jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday.

Biden, oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay in milateriga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan Taalibaan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in sirdoonka Mareykanka ay saadaaliyeen burburka dowladda uu Mareykanku taageero ee Kabul lix bilood gudahood, iyada oo ay jirto digniinta dagaal sokeeye.