berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Weli Diidan Bixinta Lacagta Doorashooyinka Soomaaliya
July 12, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Doorashada Soomaaliya, ayaa u muuqata inaanay ku dhici karin waqtiga loo asteeyey ee ah 10 bisha October sida lagu dhigay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxeexdeen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sababaha ugu weyn oo ayna doorashada waqtigeeda ugu dhici karin, ayaa ah in Beesha Caalamka ay weli daahineyso lacagihii laga sugayey inay ku bixiso doorashada Soomaaliya.
Beesha Caalamka, ayaa weli ku kalsooneyn in dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ay si madaxbanaan u qaban karaan doorasho la isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Wasiirka Maaliyada dowlada federalka Soomaaliya, ayaa dhawaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya, ayaa ka bixineysa lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas, ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.
Beesha Caalamka, ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi lahayd Soomaaliya, iyaga oo si weyn u taageeray dedaalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Sikastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajahay geedi-socodka doorashada Soomaaliya, ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay.
25 Bishaan, ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada aqalka sare, welina ma muuqato diyaar garow loogu jiro doorashadaas, taasoo loo sababeeyey inaan weli la heyn lacagihii doorashada lagu dhaqaajin lahaa.
COMMENTS
|