Marwadda Madaxwaynihii Hore Ee Haiti Oo Ka Sheekeysay Qaabkii Loo Dilay Saygeedda
July 12, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweeneyda dhaawaca ah ee ahayd xaaska madaxweynihii Haiti ayaa ka sheekeysay qaabkii ay seygeeda rasaas ugu fureen rag hubeysan oo soo weeraray ka dib markii ay ugu soo dhaceen gurigi ay deganaayeen.
Martine Moïse waxay sheegtay in weerarku uu u dhacay si deg deg ah, seygeeda Jovenel – na uu awoodi waayey inuu xitaa “hal eray yidhaahdo”.
Madaxweyne Moïse waxaa la dilay 7 julay, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay 28 calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah.
Mrs Moïse ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka, islamarkana waxaa loo duuliyay Miami si loogu soo daweeyo.
Sabtidii, waxay farriin cod ah soo dhigtay boggeeda Twitter-ka iyada oo ku dhaaraneysa inay sii wadi doono shaqadii uu waday. Tiro dad ah ayaa xaqiijiyay in codkaasi uu yahay midka marwada madaxweynaha.