berberatoday.com
Xadiga Lacagta La Siiyay Ciyaartoy Talyaaniga Ee Ku Guulaysatay Koobka Euro 2020 Oo La Shaaciyay
July 14, 2021 - Written by admin

Roma(Berberatoday.com)-Koobka EURO 2020 ayaa laga dajiyey Magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga, kaddib markii xulka Azzuri uu koobkan ku soo qaaday Magaalada London, kana soo faramarooqday xulka Ingiriiska.Ciyaartii kama dambeysta ahayd oo ay isaga hor yimaadeen xulalka Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa gool ku laad 3-2 uu Talyaanigu ku adkaaday koobkana ku qaaday, markii waqtigii rasmiga ahaa ee 120 daqiiqo kulankaasi la isku mari waayay barbaro 1-1.

Dhammaan shaxda 26-ka xiddig ee Macallin Mancini ayaa heli doona gunno ku filan kaddib guushii garoonka Wembley.Kaddib markii ay koobkii ugu horreeyey oo caalami ah ay u gacan geliyeen Talyaaniga tan iyo sanadkii 2006 ayaa waxa ay u badan tahay in abaal-marin ku filan la siin doono xiddigaha uu hoggaamiyo Tababare Roberto Mancini.Warbixinnada laga helayo Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ciyaaryahan walba uu heli doono lacag gunno ah oo dhan 250,000 oo euro.

Dhammaan ciyaartoyda xulka Qaranka Talyaaniga ayaa maadaama ay ku guuleysteen Koobkii Qarammada Yurub 2020 waxaa abaal-marin ahaan midkiiba loo siiyay 250 kun oo Euro, taas oo ahayd mid uu horey u ballan qaaday Guddoomiyaha xidhiidhka Talyaaniga Gabriele Gravina.

Jariiradda La Gazzetta dello Sport ayaa warinaysa in haddii ay Talyaanigu kaalinta labaad geli lahaayeen uu xiddig waliba oo xulka Azzurri ka mid ah uu qaadan lahaa 200 oo kun oo Euro.

Xiddigihii xulka Talyaaniga matalay Koobkii Adduunka ee 2006 waxa uu midkiiba helay lacag dhan 250,000 oo euro, halka xulkii Koobkii Adduunka ee sanadkii 1982-kii uu shaqsi waliba helay 180 milyan oo Liras, taasoo qiyaastii u dhiganta 90,000 oo euro.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews