|
berberatoday.com
Kenya”Haweenay Somaliyad Ah Oo Xildhibaan Baarlamaan Ah Oo Ilaaladeeda Ka Dhigatay Dumar
July 14, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Dad badan waxay aad u xasuustaan in hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ay ilaaladiisa gaarka ah ahaayeen gabdho, laakiin hadda waxaa arrintaa mar kale samaysay gabadh Soomaali ah oo ku jirta baarlamaanka dalka Kenya.

Canab Suboow Guure, oo ah xildhibaan laga soo doortay Garissa ayaa qabsatay hadal haynta baraha bulshada maxalliga ah iyo warbaahinta Kenya ka dib markii ay soo bandhigtay ilaaladeeda wada dumarka ah.
Arrinta kale ee dadka soo jiidatay waxay ahayd in gabadhaha ilaalada u ah Canab ay si buuxda ugu asturan yihiin xijaabka Islaamka, ayna hubaysan yihiin.Laba gabdhood oo la sheegay in ay yihiin ilaaladeeda khaaska ah ayaa sidoo kale sita gasnadaha rasaasta iyo qoryo.
Canab Suboow Guure ayaa mar baahisay sawir ay ka muuqdeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in si wayn loogu eedeeyo in dal kale ay taageero u tahay.Balse way beenisay dhammaan eedaha loo jeediyay, Waxayna sheegtay in sawirka uu ahaa xilligii la furayay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Canab oo ah siyaasi aad ugu doodda xuquuqda dadka ay matasho ayaa Waraysi ay siisay warbaahinta Nation ku tidhi: “Waxaan door biday inaan dumar ka dhigto ciidanka sugaya amnigayga. Waxaan aaminsanahay in gabdhaha ay qaban karaan shaqo ka fiican midda ragga.Sawirrada hadal haynta dhaliyay ayaa laga soo qaaday xilli ay booqasho ku tagtay goob amnigeeda uu halis yahay.
Iyadoo arrintaas sharraxaysa waxay sheegtay: “Meesha aan u safray waxay 10km u jirtay xadka Soomaaliya, waxaana u baahday hal gaari oo ciidanka amniga ah inuu i wehliyo. Goobta aan tagay waxaa dhawaan weerar ku soo qaaday koox ka tirsan al-Shabaab, sidaas awgeed ma aanan rabin in aan naftayda halis galiyo.”
Balse waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horraysay ee ay haween u noqdeen ilaalaa amnigeeda sugaya.
“Maya, iguma wehliyaan oo kaliya safarrada aan xuduudda agteeda ku aado, mar walba way ila joogaan gabdhaha ilaalada ii ah,” ayay tidhi.
Intii ay booqashada ku joogtay halkaas waxay kulamo la yeelatay bulshada halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ay kala hadlaysay xaalado ay ka mid yihiin amniga iyo nolosha, maadaama ay tahay goob ka tirsan ismaamulka Garisa.
Xildhibaan Canab Suboow Guure waxay sharraxaad ka bixisay sababta ay u jeclaatay ilaaada dumarka kaliya ah, iyadoo sheegtay inay ku qabto faa’iido dheeraad ah.
“Waxaa jira qalab dumarka u gaar ah shakhsi ahaan oo aan mararka qaar hilmaamo in aan qaato, sidaas awgeed waxaan ka heli karaa gabdhaha ilaaladayda ah oo boorsooyinkooda ku wata. Sidoo kale waxaa jira hadallo aanan ku dhex dhihi karin ilaalada ragga ah”.

Berberatoday.com
COMMENTS
|