“Madaxwaynaha Jabuuti Wax Ma Uga Meel Yaalaan Dagaalka Xadka Jabuuti Kusii Siqaya”Siyaasi Cali Guray.
July 19, 2021 - Written by admin
Djibouti malaha umabay dabanin in dagaalada qoomiyadaysan Ee dhacaya Itoobiya uu wax saamayn ah ku yeelan karaan. Hadii Ay sidaa u fakirayaan runtii waxan qabaa in ay qaldan yihiin. Waayo Djibouti xadka ugu dheer dhinaca galbeedka iyo weliba waqooyiga ee Itoobiya ay kala wadaagto degaan ahaan waa dhulka qoomiyadda Canfarta. Dhulka ay Canfartu degtaana kuma koobna uun Itoobiya ee xaga waqooyi wuxu galaa Calatariya ilaa badda iyo Dekedda Musawac. Djibouti lafteeda dhulka ugu wayn ee waqooyiguna waa degaan Canfareed. Dhinaca galbeedka Canfarta waxay oodwadaag ka yihiin qoomiyadda Tigrayga.