Xisbiyadda Mucaaradka Ee Waddani Iyo UCID Oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay
July 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa waxaa ay caydhiyeen masuuliyiin ka tirsanaa labadaasi xisbi.
Sidoo kale, Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa magacaabay masuuliyiin cusub kuwaasi oo lagu bedelay masuuliyiin Xisbiyadaa laga caydhiyey.
Xisbiga Waddani, ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan u magacaabey Agaasimaha Xarunta Dhexe ee xisbiga Waddani, iyadoo xilkan uu horey u hayay Xildhibaan Jamaal Diiriye oo isna horey u sheegay in uu han leeyahay ka dib xilka laga qaaday.