Ciidanka Booliska Magaalada Adis Ababa Oo Xidh Xidhay Dad Kor Udhaafaya 320 Qof Iyo Sababta
July 20, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ciidanka booliiska magaalada Addis Ababa, ayaa ku dhawaaqey iney xidheen in ka badan 320 qof.
Dadkan la xidh xidhay ayaa lagu eedeeyey iney ka wadeen magaalada hawl gal la xidhiidha TPLF, iyadoo la qabtey hub aad u tiro badan.
Madaxa booliiska Addis Ababa, Getu Argaw, ayaa ku sheegay bogga ay ku leeyihiin baraha bulshada, in dadka la xidhey ay fal dambigeed gacmaha kula jireen markii lasoo qabqabtey, haatanna uu baadhitaan ku socdo.