Xafiiska Taiwan Ku Leedahay Somaliland Oo noqday Xafiiska ugu Meeqaamka Sareeya Xafiisyada Ay Dalka Dibeddiisa Ku Leedahay
July 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbaahinta dunida ayaa wax ka qoray dedaallo ay Dawladda Taiwan kor ugu qaadayso Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Dunida.
War-bixinnada Warbaahinta Dunidu ka qortay arrintan, ayaa yimid ka dib markii ay soo baxday in dhawaan Taiwan ay Xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Dalka Lithuania oo ka mid ah Dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub.

Warbaahinta qaarkood ayaa soo bandhigay Meeqaamka Xafiisyada diblumaasiyadeed ee Taiwan ka joogaan dalalka ay ka furan yihiin, waxaana War-bixinnadaa lagu soo hadal-qaaday Xafiiska Taiwan ku leedahay Somaliland.