berberatoday.com
Madaxweyne Erdogan Oo Hadal Dunnidda Ka Yaabiyey Ka Yidhi Masaajidka Aaya Soofiya Iyo Mucjisaddii Ku Duugnayd
July 26, 2021 - Written by admin
Istanbul(Berberatoday.com)-Sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii dib loo furay masaajidka Hagia Sophia, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yidhi “Masaajidku wuxuu astaan u yahay soo noolaynta ilbaxnimadeenna”.
Wuxuu yidhi, “Alle ayaa mahad leh oo isoo gaarssiyaymaalintan qiimaha badan … Waxaan rajaynayaa in Aadaanka, Cibaadada, iyo Qur’aanka aanan laga gooyin misaajidkaan ilaa laga gaaro Qiyaamaha.
Erdogan ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal salaadii jimcaha lagu dukanayay masaajidka Hagia Sophia markii ugu horaysay kadib 86 sannadood.
Salaanta afarta farood waxay ka timid mudaharaadyadii Ikhwaanul-Muslimiinka Masar ee dhacay 2013-kii
Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia ayaa 24-kii bishii July ee sannadkii hore markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka.
Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masjid.
Goobtan oo kamid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf.

Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi.
Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah Istanbul.
Waxaa markii dambe madxaf ka dhigay hogaamiyihii asaasay Turkiga casriga ah, Mustafa Kemal Ataturk.
Sida uu awoodda ku qabsaday madaxweyne Erdogan
Recep Tayyip Erdogan, oo dhashay bishii February ee sanadkii 1954-kii, waa wiilka nin ka mid ahaa ilaalada xeebaha, oo ka howlgali jiray xeebta uu Turkiga ku leeyahay Badda Madow.
Markii ay da’diisa gaartay 13 sano, aabihiis wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Istanbul, isagoo markaas rajeynayay in shantiisa carruurta ah ay yeeshaan mustaqbal fiican.
Isagoo dhalinyaro ah ayuu Erdogan iibin jiray liin bambeelmo iyo rooti si uu lacag dheeraad ah u helo.
Isbuul islaami ah ayuu wax ku bartay ka hor inta uusan cilmiga maamulka uga qalin jabinin jaamacadda Marmara ee magaalada Istanbul. Wuxuu sidoo kale ciyaari jiray kubadda cagta ee mushaarka lagu qaato.
Intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii – Wuxuu ku jiray ururrada Islaamiga ah, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Necmettin Erbakan
1994-kii ilaa 1998-kii – Wuxuu ahaa Duqa magaalada Istanbul, ilaa markii ay milatariga awoodda xoog ku qabsadeen islamarkaana la mamnuucay xisbigiisa.
Sanadkii 1999 – wuxuu xabsi ku jiray muddo afar bilood ah kaddib markii uu meel fagaaro ah ka aqriyay gabay qarannimo doon ah oo beydadka ku jira uu ka mid ahaa: “Masaajidyada waa xeryaheenna milatari”
Bishii August ee sanadkii 2001 – Wuxuu aasaasay xisbiga AKP isagoo garab ka helaya Abdullah Gul oo markaas ay isbahaysanayeen
2002 ilaa 2003 – AKP wuxuu ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, Erdogan ayaana loo magacaabay Ra’iisul Wasaare
Bishii June 2013 – Wuxuu ciidamada amniga u adeegsaday mudaharaadeyaal isku dayayay inay beerta cagaaran ee Gezi Park ka hor istaagaan mashruuc dhisme ah oo ay dowladda ka sameyneysay
Bishii December 2013 – Fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah ayaa kusoo baxday dowladdiisa – saddex wiil oo ay dhaleen wasiirro ayaa la xiray, Erdogan wuxuu arrintaas ku eedeeyay Gulen kooxdiisa
Bishii August 2014 – Wuxuu noqday madaxweyne kaddib markii ay Turkiga ka dhacday doorashadii ugu horreysay abid ee toos loogu dooranayo madaxweyne
Bishii July 2016 – Wuxuu ka badbaaday afgambi milatari oo looga sameeyay ciidanka dhexdooda
Bishii April 2017 – Wuxuu guul ka gaaray aftadi qaran oo uu ku kordhisanayay awoodaha madaxweynaha
COMMENTS
|