Midowga Yurub Oo Kalabadh Dhimay Lacagihii Loogu Talagay Ciidamada Kenya Ee Ku Sugan Soomaaliya
July 27, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda, ayaa kala badh dhimay miisaaniyadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ka dib markii askarta Kenya ay si qarsoodi ah uga baxeen howlgalka AMISOM.

Guddiga maaliyadda, ayaa Baarlamaanka Kenya u sheegay isniinta shalay in ay Kenya ka heshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM lacag dhan 4.5 bilyan oo lacagta Kenya ah.Kenya waxay markii hore midowga Afrika ka heli jirtay Sh8.5 bilyan.