Hogaanka ururka Qareenada Somaliland oo kulan La Qaatay Madaxda Hay’ada Ururada Aan Dawliga ahayn ee Sonsaf.
July 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hogaanka ururka qareenada somaliland ee magacooda loo soo gaabiyo(solla) oo uu hogaaminayo Gud/xigeenka ururka Garyaqaan mukhtaar daahir jibriir ,iyo Xoghayaha guud ee ururka qareenada jsl Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal iyo gudomiyaha gudi hoosaadka xidhiidhka iyo wacyi galinta ururka qareenada garyaqaan Daahir Maxamed faarax ciyaale ayaa maanta kulan muhiima kula yeeshey xafiiskiisa gudoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee sonsaf Mudane Anwar C,raxmaan, Kulankan oo qaatay saacado ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo dardargalin lahaa hawlaha iskaashi Hay’ada ururada aan dawliga ahayd ee sonsaf iyo ururka qareenada somaliland oo wada shaqeyn toos ah leh.