Mataqaanaa 5 Magaalo Ay Ku Nool Yihiin Dadka Ugu Caafimaadka Fiican Adduunka
August 2, 2021 - Written by admin
Baro shanta magaalo ee ugu caafimaadka badan adduunka | Photo Credit: Vitaly Sacred on Unsplash
Qof walba wuu jeclaan lahaa in uu ku noolaado deegaan caafimaad badan, waxaana hubaal ah in bii’adu ay qeyb muhiim ah ka tahay arrintaas, maadaama waxa ugu horreeya ee uu qofku qaato ay tahay hawo.
Waxaa laga yaabaa in aad mar walba isweydiisid meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu caafimaadka badan ee caalamka.
Waxay caan ku tahay inay hoy u tahay haweeneyda ugu da’da weyn caalamka.
2- Magaalada Ikaria ee dalka Giriiga.
Waxay caan ku tahay in ay joogaan dadka ugu xasuusta badan ee adduunka, wayna ku yar yihiin dadka uu ku dhaco cudurka xasuusta lumiya ee loo yaqaanno “Dementia”.
3- Gobolka Ogliastra ee dalka Talyaaniga.
Gobolkan waxaa la ogyahay in ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ay da’doodu ka sareyso 100 sano.
4- Nicoya Peninsula, oo ka tirsan dalka Costa Rica.
Deegaannada uu ka kooban yahay gacankan waxaa lagu tilmaamaa meesha ay ka dhacdo tirada ugu yar ee dhimashada dadka da; dhexaadka ah. Sidoo kale waa meesha labaad ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ay da’doodu ka sareyso 100 sano.
5- Loma Linda, oo ah magaalo ka tirsan gobolka California ee dalka Mareykanka.
Magaaladan waxay seynisyahannada ku amaanaan in ay bii’o ahaan ka wanaagsan tahay Mareykanka intiisa kale.