berberatoday.com
“Shalay Ayaynu Soo Gunaanadnay Xamaasadii, Xanaftii, Iyo Xafiiltankii Ololaha Ee Udhexeeyay Qoodha Iyo Qamaamuurta Siyaasadeed Ee Qaranka”W/Q Siyaasi Maxamud Xaashi
August 4, 2021 - Written by admin
Sadexdii bilood ee u danbeeyay waxaa dhaxdeena ka socday loolan iyo laacdan siyaasadeed, taas oo salka ku haysay tartankii doorashada golaha wakiilada iyo degaanka ee dalka ka qabsoontay. Eebe mahadii shalay ayaynu soo gunaanadnay xamaasadii, xanaftii, iyo xafiiltankii ololaha ee u dhexeeyay qoodha iyo qamaamuurta siyaasadeed ee Qaranka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa doqontu hadii la ficiltamayo, waxay moodaa in la kala tagayo. Sidaa darteed, maanta laga bilaabo waa inaynu xalay dhalay ka noqonaa xamaasadii iyo xagtimihii doorashada.
Maanta mar hadii uu Qarankeenu guulaystay waxaa dhaba in aynu Dhamaanteen guulaysanay. Waxaynu muujinay in aynu nahay ummad bisil, oo leh aragti iyo ujeedo fog, taas oo aanay kala irdhayn karin olole siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan midina. Waxaynu tusnay aduun weynaha intiisa kale iyo asaageenba in aynu nahay dad leh dal, diin, dhaqan, kala danbayn, nidaam dawladnimo, dastuur ay ku kala baxaan, duqay iyo waxgarad dhexdhexaadin kara xilliyada aynu noqono laba dhinac oo midba meel ku dhago.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u soo jeedinayaa dhamaan shacbiga Somaliland, madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha maxkamada sare mudane Aadan Xaaji Cali, Xubnaha gudida doorashoiyinka Qaranka, Madaxda sadexda Xisbi Qaran, gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax, mudanayaasha cusub ee golaha wakiilada iyo dhamaan shaqaalihii golaha wakiilada ee shalay xilka u gutay sida hufan.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa xubnaha shirgudoonka cusub ee la doortay
1. Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed (gudoomiye)
2. Mudane Siciid Mire Faarax (gudoomiye ku xigeenka koobaad)
3. Mudane Cali Xaamud Jibriil (gudoomiye ku xigeenka labaad).
Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa sadexdii murashax ee aan guulaysan
1. Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fatoon)
2. Mudane Cumar Jaamac Faarax
3. Mudane Cabdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax)
Sidii geesinimada, gobanimada, iyo guurtinimada lahayd ee ay u garwaaqsadeen natiijadii doorashada.
Ugu dambayn siyaasada ceeb iyo cay kuma aha in aad guuldaraysato. Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah in aad garwaaqsan weydo in lagaa guulaystay, ama aad garan weydo sababta keentay guuldaradaada. Guul iyo gobanimo Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews