Dawlada Ingiriiska Oo Balan Qaaday In Ay La Shaqaynayso Xubnaha Cusub Ee Loo Doortay Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland!
August 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawlada ingiriiska ayaa soo dhawaysay xubnaha cusub ee loo doortay golaha wakiilada Somaliland maalintii shalay iyadoo balan qaaday in ay la shaqayn doonta golaha wakiilada Somaliland.

Wakiilka dawlada ingiriiska ufadhiya caasimada Somaliland Amb Brown oo kamid ahaa diblamaasiyiintii lagu marti qaaday doorashadii shir gudoonka cusub ee golaha wakiilada jsl ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twiterka ku sheegay in ay dawlada ingiriisku diyaar utahay la shaqaynta shir gudoonka cusub ee golaha wakiilada iyo guud ahaan xildhibaanada golaha.