Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Qodobada Lagaga Hadlay!
August 6, 2021 - Written by admin
WAR-SAXAAFADEED:05 /08/2021
Fadhigii 77aad Ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagaga Dooday Odoroska Miisaaniyadaha Sannadaha 2022 ilaa 2024
Fadhigii 77-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, horumarinta maaliyadda iyo deegaanka horumarinta reer miyiga.