Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Tababar Usoo Xidhay Ciidamo Tiro Badan!
August 9, 2021 - Written by admin
“Waxaa Hubaal Ah In Deegaankeenna Jiritaankiisu Uu Ku Xidhan Yahay Xoog Ciidan Oo Ka Dhisan Dhinac Walba” Madaxweyne Mustafe Cagjar.
JIigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar “Mustafe Cagjar” ayaa tababar usoo xidhay kumanaan ciiddamo maleeshiyo ah oo ka kooban dhammaan gobollada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka.

