Siyaasi Reer Somaliland Ah Oo Doonaya Madaxweyne-nimada Soomaaliya Oo Kenya Lagu Xidhay
August 10, 2021 - Written by admin
Kenya(Berberatoday.com)-Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo doonaya inuu u tartamo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, ayaa lagu xidhay Magaalada Nairobi.
Siyaasigan oo lagu Magacaabo
Mohamed Yassin Ismael, ayaa lagu eedeeyay inuu 4 Million oo lacagta Kenya ah, hab aan sax ahayn uga qaatay Nin sida la sheegay uu ku qanciyey inuu iibsado Guri la deggan yahay, inkasta oo aan weli kiiska loo haystaa dibedda u soo wada bixin.