Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Moorgan Oo Dhibaato Badan U Geystay Shacabka Somaliland Uu Ku Biirayo Baarlamaanka Soomaaliya
August 12, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland iyo Dawladdooduba iloobeen Dadkii Godobka ka galay ee doorka ku lahaa Xasuuqii ay kula kacday Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in markii Shacabka Somaliland iloobeen inay raadsadaan Dadkii Xasuuqa u geystay xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay taasi keentay in xilligan la hadal hayo in Baarlamaanka Soomaaliya lagu darayo Generaal Moorgan, kaasi oo ku eedaysan inuu Gacan weyn ku lahaa Xasuuqii loo geystay reer Somaliland.