Mayaarka Caasimada Hargaysa Oo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Ku Amray In Aanay Bixin Karin Meelaha Biyo Mareenka Ah, Lana Dagi Karin.
August 12, 2021 - Written by admin
“Waxaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Farayaa In Maanta Laga bilaabo Aan La Bixin Karin Dhulka Biyo Mareenka Ah ee Dooxyada Udhow, Cidii Bixisana Iyada Ayaa Lagula Xisaabtamayaa Masuuliyadeeda”Maayarka Caasimada Hargaysa.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayarka caasimada hargaysa ayaa amar culus kazoo saaray in dadwaynuhu dagaan meelaha biyo mareenka ah ee dooxyada ku dhow maanta laga bilaabana aan cidna la siin Karin dhul ku yaala meelaha biyo mareenka iyo dooxyada.
