Dadwaynaha Deegaanka Maqaaxida Inanta Oo Siwayn Uga Cawday Dhul Boob Iyo Tacadi Uu Ku Hayo Xildhibaan Hore Iyo Baaq Ay Udireen Madaxwayne Biixi Iyo Maayarka Caasimada!
August 13, 2021 - Written by admin
“Maayarka Caasimada Waxaanu ka codsanayaa In Uu Deg Deg Noosoo Gaadho,Nagana qabto dadkan magacii dawlada hoose ku shaqaynayna ilayn magaaladu laba Maayar Ma lahee”Dadwaynaha Makhaaayada Inanta.
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Dadwayaha ku dhaqan deegaanka maqaaxida Inanta ee galbeedka hargasya ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhul boob,xadhig iyo tacadi joog ah oo ay sheegeen in uu ku hayo xildhibaan cabdicasiis habane (siisto) oo katirsanaa golihii deegaanka hargaysa ee wakhtigoodu dhamaaday iyo kooxo ay isku lamaan yihiin oo dhulkii ay degenayaan xoog kaga qaaday ismarkaana dantii guud ee beerahooga laga jaray ay shakhsiyaad siiyeen hadana ay doonayaan in ay dib uga qaadaan.