Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Maraykanku Oo Soo Fadhiisatay Garoonka Magaalada Berbera Iyo Xogaha laga Helayo!
August 15, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa la sheegay In ay soo fadhiisatay Madaarka magaalada Berbera todobaadkan
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hawlgalka ay u timid diyaaraddan laakiin, Mareegta Wararka ee Somalilandchronicle oo arrintan wax ka qortay ayaa tebisay in ay u muuqato in Maraykanku kordhiyay danayntiisa Somaliland lagana yaabo in ay arrintani xidhiidh la leedahay xiisadda ka aloosan Itoobiya.
