berberatoday.com
Laba Arday Ah Oo Macalinkoodii Dugsi Quraanku Ku Dilay Gobolka Mudug
August 15, 2021 - Written by admin
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya deegaanka Laankadawo oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi shalay galinkii dambe lagu dilay Macalin Dugsi Quraan.

Macalinka la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanka Laankadawo iyo tuulooyinka ku dhawdhaw ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdisalaan Maxamuud ilkaweyne, kaaso la dilay xili uu ku sugnaa hoygiisa sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi.

Dilka Macalinka ayaa la sheegay iney geysteen laba wiil oo ka mid aheyd ardaydii uu baraayay dugsi Quraanka, kuwaas oo dilka Macalinkooda u adeegsaday Faash iyo Maqar oo ay kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona markiiba goobta ku geeriyooday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka  macalinka oo ay dileen laba ka mid aheyd ardaydiisa, waxaana la sheegay in dhalinyaro deegaanka ah ay gacanta ku dhigeen labada wiil ee geystay dilka macalinkoodi Dugsiga, islmarkaana lagu wareejiyay gacanta ciidanka Galmudug.

Si kastaba ha ahaate dilka loogu geystay deegaanka Laankadawo ee gobolka Mudug macalinka Dugsi Quraan ayaa Xalay iyo Saakay si weyn looga hadal haya deegaanka iyo nawaaxigiiisa, waxaana falkaasi aad uga wada naxay Waalidiinta deegaankaasi gaar ahaan kuwa Caruurtooda dhiganayeen Dugsiga Macalinka la dilay.

Berberatoday.com 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews