“Sannadka 2022-ka Waxaa Dhacaya Liisankii Xisbiyadda Qaranka, Markaa Doorasho Madaxtooyo Lama Geli Karo”Xisbiga KULMIYE
August 15, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Af-hayeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu ku dooday uu dhacayo ruqsadooda Xisbinimo.
Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dallada SONSOF, ayaa yidhi ‘’Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni.