Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Rabashad Hal Qof Ku Geeriyooday Oo Ka Dhacday Laascaanood
August 16, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud jiidhe, ayaa ka hadlay rabashad keenay dhimasho hal qof ah oo ka dhacday Dugsi Boodhin ah oo ku yaalla Magaalada Laascaanood, waxaanu tilmaamay inay hadda rabashaddii iyo wixii sababayba ay dhammaadeen, Guddidna ay u saareen, Waxbarashadii Dugsiguna ay socoto.