Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Kamida Culimada Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Amar Lagaga Soo Saaray Magaalada Ceerigaabo Iyo Wuxuu Kala Kulmay Hargeysa Oo Layidhi Soo Gal”Daawo Muuqaal
August 16, 2021 - Written by admin
“Anigu Waxaan Ahayn Nin Culimo Ah, Idin kula Hadli Maayo Afka Siyaasiga, Waxaanan Doonayaa In Aan Ka Waramo, Wixii Ceerigaabo Igaga Dhacay Iyo Falkii Laygula Kacay”Sh, Maxamed Ismaaciil.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo kamid ah Culimada sommaliland Ayaa ka hadlay amar dhawaan lagaga Soo saaray gobolka sanaag oo ay hawlo nabadeed ujoogeen Isaga sheikh kale kadib markii amar kaga yimid dhinaca Xukuumada, talaabadaasi oo ay siwayn uga hadleen falka Culimada lagula kacay maayarka ceerigaabo iyo dadwayne kaleba.
Sidoo kale sheikh Maxamed ismaaciil ayaa faah faahin ka bixiyay falkan lagula kacay iyo sidii wax udhaceen.