“Diinta Dawlada Ayaa Masuulka Ah, Maaha In Qof Aan Maskax Ahaan Caadi Ahayn Uu Facebookga Kusoo Qoro Abaaro Ayaa Dadka Lagu Gaalaynayaa” Madaxwayne Muuse Biixi.
August 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha oo khudbad maanta ka jeediyay qalin jabinta jaamacada Barwaaqo ayaa ka hadlay wararka been abuurka ee laga faafiyo dugsiga Abaarso kuwasi oo ay fidiyaan dad kusoo qabanaya diinta islaamka ayaa sheegay in aan dadkaasi laga yeeli doonin in goobaha muhiimka ah fowdeeyaan dawladuna ay masuul ka tahay diinta,
