Gabadh Uu Dhalay Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Sheegtay In Ay Waayeen Meel Aabahood La Geeyay Iyo Fariinta Ay Udirtay Madaxwayne Muuse Biixi!
August 17, 2021 - Written by admin
“Madaxwayne Waxaan Kaa Codsanaynaa Anagoo Hoos Joogna Calankii Aanu Ku Hoos Dhalanay, In Aad Si Deg Deg Ah Noogu Soo Sheegtaan, Halka Aad Gayseen Aabahayo”Gabadh Uu Dhalay Sheikh Maxamed Ismaaciil.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gabadh Uu Dhalay Sheikh Maxamed Ismaaciil Oo kamid Culimada Somaliland oo saaka Ciidamo ka kaxeysteen Xarunta Uu Dadka ku daweeyo ee xaafada jig jiga ee magaalada Hargaysa Ayaa sheegtay in ay waayeen meel ay geeyeen iyo halka lagu xidhay toona.
