Shaqaale Udhashay Dalka Indonesia Oo 8 Bilood Ku Xayiran Soomaaliya
August 17, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warbixin ay soo saartay Hay’adda lagu magacabo Dishing destishing Fishing Watch (DFW), ayaa waxaa ay ku sheegtay in 13 shaqaale kalluumaysi oo u dhashay dalka Indonesia ay mudo sided bilood ah ay ku xayiran yihiin Soomaaliya.
Hay’adda Dishing destishing Fishing Watch (DFW), ayaan sheegin sababta shaqaaluhu ugu xayiran yihiin Soomaaliya.
Shaqaalahan, ayaa hore uga soo shaqeeyay maraakiib kalluumaysi oo kala duwan oo dalka Shiinaha laga lahaa, Wuxuuna qandaraaskoodu ku eekaa Diseembar 2020.
Kadib dhammaadka muddada heshiiska, wakaaladda shaqaalaysiinta ee Indonesia iyo shirkadda kalluumeysiga ee ay ka shaqeynayeen, ma ayna bixin hubin ku saabsan dhammaadka muddada heshiiska.