Maxkamadda Ciidamada Jsl Oo Xukun Dil Ah Ku Ridday Askari Jaamacadda Camuud Ku Toogtay Arday!
August 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland, ayaa Shalay Xukun dil ah ku xukuntay Askari Boolis ah oo Toogtay Arday ka mid ahaa Ardayda dhigatay Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama.
Maxkamadda Ciidammada ayaa xukuntay in dil toogasho ah lagu fuliyo Askariga oo Magaciisu yahay Cismaan Diiriye Buraale, kaasi oo toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa Ardayda kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Camuud.
