Xukuumadda Oo Sheegtay In Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Ay Khaladday Dawladda Soomaaliya Ay Silic Ku Joogaan Muqdisho
August 20, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa Soomaaliya ku eedaysay inay waddo Barnaamij ay ku abuurayso is-dhexgalka dhallinyarada Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan faa’iido lahayn, sida uu sheegay.
Wasiirka oo Shalay ka hadlay Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Waar Xamar iyo Jawhar isma dhex galaan, Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraana isma dhex galaan, Baydhabo iyo Kismaayo-na isma dhex galaan, Xamar iyo Baladweyne isma dhex galaan, bal is dhex galka Xamar iyo Hargaysa laga sameeya muxuu kordhiyaa?” Ayuu iswaydiiyey Wasiirku.