Saameynta Magaca ‘Daalibaan’ Ku Yeeshay Caasimadda Hargaysa Waxa Qoray Cali Cabdi Coomay
August 23, 2021 - Written by admin
Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii bishan aynu ku jirno waxa soo baxay warka sheegayaa in xerta Daalibaan ay gacanta ku dhigeen caasimadda Afgaanistaan ee Kabul. Warbaahinta adduunka iyo tan Soomaalida ayaa si weyn u faaqidayey qabsashada Daalibaanka. Arrintaasi waxa ay keentay in dhegaha iyo indhaha reer Hargaysa ay ku badatay magaca DAALIBAAN. Dhawr arrimood ayaan goob joog u ahaa oo magacaa Daalibaan dadka ku keenay:
= Makhaayada ay inta badan fadhiistaa wadaaddadu ayuu dhawaan soo galay oday reer magaal ah, waxaanu cod dheer ku yidhi” waar meesha ma Daalibaan ayaa qabsatay waa maxay waxan oo khamiis ahi”. wadaaddadii qaar ka mid ahi way qosleen, hasayeeshee mid ka mid ah ayaa dood iyo xanaaq uu ku dhaliyey hadlkii odaygu. Wuxuu odaygii ku yidhi” fikirka gaaladu ay Islaamka ka haystaan ayaad aamisan tahay, Daalibaan miyaanay niman muslim ah, maxaad dacaayad uga dhigaysaa” odayga oo u muuqday mid ay sarrayso adduun-aragiisu ayaa ugu falceliyey adigu haddii ay Islaam yihiin maxaad uga xanaaqday, anigu ma Maraykankii ay la dagaalamayeen ayaan ahayn. Wuu sii watay hadalkiisa odaygii waxaanu yidhi” bal eeg kaas hadalku damqayo haddii xukunka dalka loo dhiibo, siduu dadka Islaamka ah u xukumi, waxaasi waa waxa keenay in wadaaddadu ay maamulada ku fashilmaan” aakhirkii waar bal u kaadiya ayaa lagu dhexgalay.