Saameynta Magaca ‘Daalibaan’ Ku Yeeshay Caasimadda Hargaysa Waxa Qoray Cali Cabdi Coomay
August 23, 2021 - Written by admin
Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii bishan aynu ku jirno waxa soo baxay warka sheegayaa in xerta Daalibaan ay gacanta ku dhigeen caasimadda Afgaanistaan ee Kabul. Warbaahinta adduunka iyo tan Soomaalida ayaa si weyn u faaqidayey qabsashada Daalibaanka. Arrintaasi waxa ay keentay in dhegaha iyo indhaha reer Hargaysa ay ku badatay magaca DAALIBAAN. Dhawr arrimood ayaan goob joog u ahaa oo magacaa Daalibaan dadka ku keenay: