Xildhibaan Wakiillada Ugu Baaqay In Ay Saddex Saddex Xaas Guursadaan, Madaxweynaha Aan Loo Kicin, Kelmadda Mudane-na Lagu Baddalo Huunno
August 23, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa shalay dooddii Golaha waxa uu ka jeediyey kelmadihii ugu hadal haynta badnaa ee Bulshadu ka fal-celinaysay illaa xalay kadib markii uu Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu baaqay in ay saddex saddex xaas guursadaan, sidoo kalena marka uu Madaxweynuhu golaha soo galo aan loo kicin ee kaliya lagu soo dhaweeyo kelmadda Huunno soo dhawaw isaga oo dhinaca kale ku baaqay in kelmadaha Mudane iyo Marwo lagu baddalo kelmadda HUUNO.