Haweenka Somalida Oo Awood Kusii Yeelanaya Ganacsiyada
August 24, 2021 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Haweenka Soomaalida oo waayihii hore aad ugu yaraa ganacsiga, ayaa mudooyinkii dambe si wayn uga dhex muuqda ganacsiyada kale duwan iyo koboca dhaqaalaha.
Inkasta oo ay jiraan haween badan oo danyar oo suuqyada la fadhiista badeecado yar yar oo ay ku quudiyaan qoysaskooda, haddana waxa jira haween ka tagay waddamada qurbaha oo sameeyay ganacsiyo beryihi hore ragga uun u gaar ahaa.