Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan
August 24, 2021 - Written by admin
Beledweyne(Berberatoday.com)-Waxaa maanta xaalad deganaasho ah laga dareemaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib xaalad kacsanaan ah oo habeenkii xalay ahaa si weyn uga jirtay Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle, ayaa xalay fiidkii hore la wareegay dhamaan xarumahii muhiimka u ahaa maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan kuwaas oo diidan imashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta oo Isniin ah Baledweyne si qasab ah looga dajiyo.